Ethiopia oo argagixiso ku xukuntay wariyaal Swedish ah

19

Wariyaal Swedish ah oo dhowr bilood ka hor laga soo qabtay dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa waxay ku xukuntay dambiyo la xiriira taageero argagixiso iyo in ay wadanka sharci daro ku soo galeen.

Labada wariye ee kala ah Martin Schibbye iyo Johan Persson ayaa dhowr bilood ku jiray xabsiyada Ethiopia iyaga oo lagu soo qabtay dagaal dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo jabhada ONLF. Maxkamad ku taala Addis Ababa ayaa maanta sheegtay in raggaan ay galeen dambiyada lagu soo oogay oo ah taageero argagixiso oo loola jeedo ONLF.

Dambi oogayaasha maxkamada ayaa dalbaday in raggaan lagu xukumo mudada xabsiga ugu dheer oo ah 18 sano. Bisha December 27 ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo xabsigooda.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ka hadlay arinta wariyaasha ayaa dalbaday in la siidaayo sida ugu dhaqsiyaha badan. Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen madaxda Ethiopia oo ay ka wardhowrayaan.

Wariyaashaan ayaa intaan la soo xirin waxay Ethiopia ka soo galeen dhinaca Soomaaliya iyaga oo isku dayaayay in ay warbixin ka keenaan xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here