“Bukaanka Soomaalida lama tixgaliyo”

7

Dhaqtar mudo dheer ka soo shaqeeyay hospitaal ku yaala magaalada Göteborg ayaa soo saaray cilmi baaris uu ka diyaariyay isfahandarada kala haysata dhaqaatiirta Swedishka iyo bukaanka Soomaalida ah.

Dhaqtarkaan oo wareysiyo badan ka qaaday Soomaalida iyo dhaqaatiir Swedish ah ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay dareemayaan in aysan tixgalin ka helin dhaqaatiirta Sweden. Dhinaca kale dhaqaatiirta Sweden ayaan fahansaneyn sida loo dabiibo Soomaalida oo inta badan aan hadal rabin balse doonaya in uu dhaqtarku garto halka laga haayo.

“Waxaa jira dad aan luuqada si fiican ugu hadlayn, inta badan waa kuwo aan tixgalin la siin oo aan helin warbixin ku filan. Waxaa yar fursada in dhaqtarka iyo bukaanku ay qorsheyn wada sameeyaan. Natiijada ayaa ah isfahandaro iyo in dadku ay dhaqaatiir wadamo kale u raadsadaan” Ayuu qoray Kristian Svenberg .

Dhaqaatiirta uu wareysiga ka qaaday ayaa ah kuwo aan fahansaneyn sidii loo xalin lahaa dhibaatada Soomaalida. Dhaqaatiirta ayaa dhibaato ka haysataa in ay fasirtaan waxyaabaha ay Soomaalidu u sheegayaan. Soomaalida qaasatan waayeelka ayaa ah kuwo dhaqtarka hawl hufan ka sugaya. Ma doonayaan in suaalo la waydiiyo balse waxay doonayaan in dhaqtarku uu caawimaad sameeyo.

“Waxa uu bukaanku dhahayaa halkaan ayaa i xanuuneysa, iyo halkaas balse ma muuqdaan wax uu dhaqtarku baaritaan ku sameyn karo. Waa wax uu fahmi karo dhaqtarku marka uu bukaanka mudo yaqaanay balse kulamada aan joogtada ahayn macquul ma ahan in uu dhaqtarku fahmo xanuunka haya bukaanka” ayuu yiri  Sven Berg.

Sven ayaa aaminsan halkaas in arintu ay ka qaldantahay maadaama bukaanku uu markasta la kulmo dhaqtar ka duwan kii hore. Waxa uu filayaa in qoraalka uu ka sameeyay arintaan in uu toosh ku daari doono xaalada, isla markaana uu wax ka badali doono jawiga. 16 December ayuu cilmi baaristiisa ka soo jeedin doonaa jaamacada Göteborg.

WQ: Sveriges Radio

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here