Adeegyada bulshada oo laga rarayo Rinkeby

15

Xaafada caanka ah ee Soomaalidu ku badanyihiin ee lagu magacaabo Rinkeby, Stockholm ayaa markale waxay ku jirtaa warbaahinta Sweden. Rinkeby oo caan ku ah soo galootiga faraha badan ee isugu tagay halkaas ayaa u muuqata in dowlada Sweden ay dooneyso in ay nolosha ku adkeyso dadka halkaas ku nool.

dhacdada ugu dambeysa ayaa ku saabsan xiritaanka iskuulka lagu magacaabo Bredbyskolan ee ku yaala xaafadaasi iyo inta badan maamulka Stockholm oo isku raacsan in la xiro iskuulada Bussenhusskolan ee Tensta ku yaala iyo Akallaskolan. Ma ahan iskuulada oo keliya balse horey ayaa Rinkeby waxaa uga guuray haydihii muhiimka ahaa ee dowlada sida försäkringskassan, Arbetsförmedlingen iyo daryeelkii caafimaadka oo dhaqaalaha laga yareeyay.

Hadaba muxuu yahay qorshaha dowlada ee ku aadan xaafada Rinkeby? Maamulka Stockholm ayaa sheegay in ay iskuulada u xirayaan maadaama baahida iskuulada ay ku badantahay xaafadaha kale oo aysan dooneyn in ay lacag ku bixiyaan iskuulo aan la isticmaalin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa macquul ah in sababtu ay midaas ka duwantahay, oo la doonayo in la bara kiciyo soo galootiga halkaas isku aruursaday in ay u guuraan qeybaha kale ee dalka. Haddii adeegyada muhiimka ah ee dowlada ay meesha ka baxaan waxay goobtu noqoneysaa meel nolosheedu adagtahay. Bal fikradihiina ku darsada!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here