16 jir Soomaali ah oo kufsaday gabadh 9 jir ah

16

Sida ay qorayaan warbaahinta Denmark wiil 16 sano jir ku jooga wadanka Denmark oo loo soo xiray in uu kufsaday gabadh 9 jir ah ayaa qirtay in uu geystay dambigaas. Arintaan oo ka dhacday meesha lagu magacaabo Gullestrup ee u dhow magaalada Henning ayaa ceeb weyn ka dhalisay dalkaasi Denmark.

Wiilkaan ayaa la sheegay in gabadha yar ee 9 sano jir ah iyo saaxiibteed oo 10 sano jir ah uu midi ku cabsi galiyay ka dibna ay carartay gabadha 10 jirka ah halka gabadha kale uu meel la tagay ka dibna kufsaday. Waxyar ka dib ayaa waxaa ku soo baxay qaar ka mid ah dadka xaafada isaga oo meesha isaga cararay. Booliska ayaa goobta ka helay bac ay ku jiraan kondom oo farahiisa laga helay.

Booliiska ayaan markii hore hubin in uu isaga yahay qofka dambiga geystay balse waxaa la sheegay in uu hada qirtay in uu arintaas ka dambeeyay. Sidoo kale booliska ayaa ka shaki qaba in uu wiilkaan ku lugleeyahay kufsiyo kale oo horay uga dhacay Denmark.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here