Maria Ferm oo sheegtay in uu diyaaryahay mooshinkii baarlamaanka la hordhigi lahaa

19

Gabadha u qaabilsan xisbiga Miljöpartiet arimaha socdaalka ayaa isbuucyadii la soo dhafay waxay ku guda jirtay kulamo badan oo ay la yeelaneyso Soomaalida ku dhaqan Sweden iyadoo safaradeeda ku tagtay Göteborg, Eskilstuna, Gävle, Uddevalla iyo lugtii ugu dambeysay oo ay ku booqatay reer Växjo.

Växjö oo ay Maria kulan kula qaadatay Soomaali gaareysa ilaa 50-meeyo ayay balan qaaday in ka bilaabata bisha July ee sanadka 2012 ay suurto gal noqon doonto in qofku aqoonsigiisa ku cadeeyo dhiiga DNA. Maria ayaa cadeysay in hada uu diyaaryahay mooshinkii la hordhigi lahaa baarlamaanka balse aysan wali iyaga iyo dowlada isla meeldhigin qeybihiisa kala duwan. Sidaa darteed ayay kulamo la qaadaneysaa Soomaalida Sweden si ay u ururiso macluumaad iyo waxna uga ogaato dhibaatooyinka jira.

Maria waxay sheegtay in ilaa hada uu socdo wada hadal ku saabsan sida laga yeelayo caruurta da’dooda ay buuxisay 18 sano. Mar ay ka jawaabeysay su’aal la xiriirtaan arintaas ayay tiri.

“Waxay u badantahay in ay imaanayaan. Iyaga qaladka ma leh in badalaada sharciga Sweden ay tahay mid gaabisa” ayay tiri Maria Ferm.

Soomaalida ku nool Växjö ayaa aad u soo dhaweysay booqashada ay ku timid Maria magaaladooda iyo in ay helaan siyaasi hadalkooda dhageysanaya. Maria ayaa dhinaceeda sheegtay in ay wax badan ka faaiday dhageysiga xaaladaha dadka isla markaana ay dib u qaadeyso dhibaatooyinka haysta.

WD: Abdinoor Mohamed, Småland For Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here