“Gacanyarayaasha laanta Socdaalka ayay u diideen in ay hoteelka ka baxaan”

5

Magangalyo doonka ku jira hooteelka lagu magacaabo Hotell Eskilstuna oo ku yaala magaalada Eskilstuna ayaa isbuucaan waxay sameeyeen in ay u diidaan gacanyaraasha Laanta Socdaalka in ay hoteelka ka baxaan ka dib markii ay sheegeen in aysan si fiican ula macaamilin.

Arinta ayaa keentay in kama dambeystii ay gacanyaraasha booliska wacaan oo waxyar ka dib ay yimaadeen koox boolis ah oo meesha ka fasaxay dadkii la haystay ka dibna baaritaan ugu dhaqaaqay goobtii.

Magangalyo doonka ayaa ku doodaya in aysan gacanyaraasha si fiican u dhageysan dhibaatooyinkooda. Waxay sheegeen in labo keliya ay ku yimaadaan oo dad badani u baahanyihiin in ay la hadalaan.

“Markasta waxaan isku daynaa in aan la hadalno balse nama dhageystaan. Waxaa na haysta dhibatooyin badan. Waxaa jira saaxiibkey oo daawo u baahan balse aysan la hadlayn, lacag uu daawo ku iibsadana ma haysto” ayuu yiri mid ka mid ah magangalyo doonka hoteelka ku jira.

Dhinaca kale, baaritaan ay boolisku ku sameeyaan hoteelka ayaa  laga helay boorso alaab la soo xaday iyo 18 baaskiil oo la soo xaday. Waxaa loo xiray 1 nin oo lagu eedeeyay in uu masuul ka yahay ficilka tuugada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here