Xagee ayay maraysaa hawsha badalaada sharciga lagu mideynayo reeraha Soomaalida?

22

Waa su’aal ay qabaan qaar badan oo ka mid ah akhristayaasha Somaliska.com, sidaa darteed ayaan la xiriiray gabadha u qaabilsan xisbiga Miljöpartiet arimaha socdaalka Maria Ferm si aan waxa uga waydiiyo xaaladu halka ay marayso. Maria oo si degdeg ah iigu soo jawaabtay ayaa iigu celisay wadada la marayo marka sharci la badalayo.

Waxay kale oo ii sheegtay in hada ay socoto hawsha badalaada sharciga oo la filayo xiligaan dayrta ama xagaaga in uu diyaar noqon doono ka dinab loo soo bandhigi doono gudiga sharciyada si ay talo uga bixiyaan, intaas ka dib ayaa loo bandhigi doonaa haydaha dowlada si ay fikirkooda ugu darsadaan.

Kama dambeystii ayay tiri in xiliga gugga la hordhigi doono baarlamaanka waqtiaas oo la dhameyn doono si kama dambeysi 1 July 2012 uu u dhaqan galo. Waxay ka gaabsatay in ay taariikh cayiman ii sheegto balse sida hadalkeeda ka cad hawshu waa mid socota isla markaana u baahan macluumaad dheeri ah si loo xaliyo shuruudaha badan ee Soomaalida horyaala.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here