Wiil Soomaali ah oo gabari jacayl dartiis u dishay

12

Cabdiwali Ugaas oo ah wiil Soomaali ah kuna noolaa magaalo lagu magacaabo
East London oo ku taal wadanka koonfur afrika ayaa gabar South African ahi midi ku dishay ka dib markay jacayl ba’an oo in mudo ah soo jiitamayey u qaaday.

Gabadhan gacan-ku-dhiiglaha ah ayaa la sheegay in ilaa 2009 ay isku
dayeysay sidii ay wiilka soomaaliga ah oga dhaadhicin lahayd in uu nolol la
wadaago. Laakiin wiilkan oo sida la sheegay aan si wanaagsan English-ka ugu
hadli jirin ayaa gabadha shardi oga dhigay in ay muslimto, sida gabdhaha
soomaalidana u labisato hadii ay doonayso in uu jacaylkeeda wax kala
qabto. Wadatashi ay waalidiinteed la yeelatay muhiimadiisuna ahayd sidii ay
waalidiinteed ugu qancin lahayd in ay muslimto si ay wiilkan soomaaliyeed
nolol ula wadaagto ayaa la sheegay in uu fashil ku dhamaaday. Ka dib markii
walidiinteed ganafka ku dhufteen qorshahii gabadhooda, taas oo keentay in ay
wiilkii caro kala dul dhacdo oo ay mido galiso.

Koox wariyeyaal soomaaliyeed ah oo gabadhan u booqday si ay dhacdadaan
faah-faahin dheeraad ah oga helaan ayey ka gaabsatay in ay waraysi
siiso.Hayashee waraysi ay siisay qaar ka mid ah raga wararka fidiya oo ka
socday warbaahinta S.africa ayay ku qiratay in ay wiilkan dishay ka gadaal
markii uu ka dhaga adaygay wax ka qabashada dareenkeeda jacayl. Sida ay
qortay wakaalada wararka ee SAPA maxkamadaynta gabadhan ayaa arbacada
ka dhaci doonta magaalada East London.

Waa shilkii labaad oo noociisa ah oo ka dhaca S.africa wiil soomaali ahna
naftiisa ku waayo inta la ogyahay.

Soomaalida South africa dagan ayaan guursan gabdhaha S.african ka ah
waxaana marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareeraya tirada gabdhaha
South african ka ah oo danaynaya haasaawaha wiilasha soomaalida ah, taas oo
sababta ugu weyn ay tahay gabdhaha S.african ka ah oo doonaya in ay helaan
ilmo madow ah oo timo jilicsan iyo muuqaal soo jiidasho leh.

Saciid Cabdi Csuman

Somaliska.com

Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here