Wadankii ugu horeeyey oo reer-galbeed ah oo aqoonsaday dawladda Falastiin

8

Baarlamaanka wadanka Iceland ayaa shalay oo ku beegnayd maalinta caalamiga ah ee is-garabtaaga dadka reer falastiin waxa uu u codeeyey in uu si rasmi ah u aqoonsado dawladda Falastiin. Xubnaha baarlamaanka Iceland oo ka kooban 63 xubnood ayaa 38 ka mid ah waxay ogolaashiyo ugu codeeyeen dawlad Falastiin oo leh xuduudii 1967,sida uu talafashinka qaranka Iceland ka sheegay wasiirka arimaha dibada ee Iceland, Ossur Skarphedinsson.

Baarlamanka ayaa aqoonsiga uu Falastiin ugu deeqay waxa uu raacshay soo-jeedin labada dhinacba ah. Xubnihii ka hadlay fadhiga ayaa labada maamul u soo jeedshay in si nabad ah ay oga wada xaajoodaan dhibaatada ka dhex aloosan labada wadan si loo helo laba dawladood oo daris ah si nabad ah ku wada nool kalana matala Falastiin iyo Israel.

Tan iyo markii ay hishiiska kala saxiixdeen dawlada madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo ururka Xamaas ayaa waxaa sara u soo kacay mansabka diblumaasiyadeed ee dawladda Falastiin waxaana marba marka ka dambaysa isi soo taraya dawladaha ishoodo qabanayso deedafaynta Israel ku hayso xuquuqda dadka reer falastiin.

Saciid Cabdi Cusmaan,

Somaliska.com

Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here