Sweden oo ciidamadeeda kala baxaysa Afghanistan

5

Xisbiyada baarlamaanka Sweden ayaa heshiis ku gaaray in Sweden ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi Afghanistaan kama dambeys 2014. Qorshahaan oo ay soo bandhigtay dowlada ayaa waxaa ku raacay xisbiyada kala ah Miljöpartiet iyo xisbiga weyn ee SocialDemokraterna.

Qorshaha ayaa ah in hada la bilaabo hoos u dhimida ciidamada oo sanadka 2012 ay tirada ciidamada Swedishka ah ee jooga Afghanistaan ay noqdaan 400 oo askri halka ay hada yihiin 550 askri. Ciidamada ayaa sidoo kale dib uga soo guuri doona saldhigooda ku yaala gobolka Mazar-i-Sharif  iyaga oo ku soo ururi doona saldhiga ciidamada Jarmalka.

Marka la gaaro sanadka 2014 ayaa la filayaa in guud ahaan ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan Afghanistaan ay isaga baxaan dalkaasi iyada oo ay ku jiraan kuwa Sweden. Si kastaba ha ahaatee waxaa ku hari doona 200 oo ka mid ah ciidamada Sweden oo tababari doona ciimada Afghanistan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here