Mudaharaadkii ka dhacay Göteborg

13

Maalintii axadii ayaa magaalada Göteborg waxaa ka dhacay mudaharaad ay isugu soo bexeen dad gaaraya ilaa 100 qof oo ka kooban Soomaali iyo dadka kale ee daneeya arimaha mideynta reeraha. Dibadbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay goobta loo yaqaan Götaplatsen iyaga oo socod ku tagay halka lagu magacaabo Gustav Adolfs Torg.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay mudaharaadka oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay dhibaatada ka haysata kala maqnaashaha iyaga iyo reerahooda. Waxaa sidoo kale warbaahinta la hadashay Frida Jonsson oo gudoomiye u ah ururka FARR oo u dooda arimaha soo galootiga.

“Waa ku mahadnaqeynaa balan qaadka mideynta balse ilaa hada waxyar ayaan ka ognahay sida sharciga uu noqonaya iyo sida ay deeqsi u noqonayaan” ayay tiri Frida.

Gabagabadii mudaharaadka ayaa waxaa dadka la hadlay imaamka masaajidka Göteborg Abdul Rashid Mohamed.

Mudaharaadka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dalada lagu magacaabo Nätverket för rätten till familjeåterförening oo ay ku mideysan yihiin ururo badan oo isugu jira kuwa Soomaaliyeed iyo kuwa Swedish ah kuwaasoo u dooda mideynta reeraha kala maqan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here