Malmö: Xaafada Soomaalidu ku nooshahay oo noqotay goobta Sweden ugu amaanka xun

2

Xaafada Seved ee ay ku badanyihiin soo galootiga qaasatan Soomaalida ayaa noqotay goobaha ugu amaanka xun Sweden. Wargeyska Aftonbladet oo booqasho ku tagay wadada lagu magacaabo Rasmusgatan oo la sheegay in ay tahay goobta ugu amaanka liidata Sweden ayaa soo bandhigay in dadka goobtaas ku nool ay haysato cabsi joogto ah oo wadada ay maamulaan dhalinyaro gaangiistaro ah.

Wadada ayaa la sheegay in lagu iibiyo darooga isla markaana xitaa ay hubeysanyihiin qaar ka mid ah dhalinyarada halkaas degan. Booliiska ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dabeecada nuucaas ah iyaga oo sheegay in ay kaamirooyin ku xiri doonaan wadadaas.

Dadka xaafada ku nool ayaa sheegay in ay goobtaas noqotay meel lama galaan ah oo xitaa dadkii mudada dheer ku noolaa ay hada ka cabsanayaan in ay dibada u soo baxaan. Dhibaatooyinka ugu badan ayaa waxaa ku qaba dadka boostada tuura iyo gaadiidka gargaarka degdega.

Ganacsatada ayaa bilaabay in ay isaga guuraan xaafadaas, maqaaxi goobta ku taala ayaa ku qasbanaatay in ay xiranto ka dib markii macaamiishii u imaan waayeen cabsi darteed.

Dhalinyarada qalalaasaha ka sameynaya xaafadaas ayaa ku doodaya in ay shaqo la’aanta ka jirta dalka ay u sababtahay dhibaatooyinka xaafada oo haddii ay shaqo haysan lahaayeen ay umada ka mid noqonlahaayeen. Waxay ku hanjabeen in haddii boolisku kaamiro ku xiraan halkaas ay si degdeg ah u burburin doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here