Kista Galleria oo la xiray ka dib dukaan la dhacay iyo cabsi galin bambaano

2

Suuqa weyn ee Kista Galleria ayaa maanta dhowr saacadood la xiray ka dib markii ragg indhuhu u duuban yihiin ay jabsadeen dukaan ku yaala suuqa ka dibna goobta laga helay shey loo maleeyay bambaano.

Tuukada oo tiradooda lagu sheegay 2 ilaa 4 ayaa la sheegay in ay jabsadeen dukaan dahabka lagu iibiyo iyaga oo ka dibna baxsaday. Booliska ayaysan u suurto galin in ay qabtaan qaar ka mid ah tuukada iyadoo lagu mashquuliyay sheyga loo ekeysiiyay bambaanada oo laga qaaday Kista.

Galabnimadii ayaa loo ogolaaday dadka iyo shaqaalaha in ay dib ugu soo laabtaan suuqa. Booliska ayaa sheegay in ay hayaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan tuukada.

Suuqa Kista Galleria ayaa ka mid ah goobaha ay ugu booqashada badanyihiin Soomaalida ku nool Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here