Kamuunka Norrköping oo ka walwalsansan Soomaalida badan ee imaan doonta

8

Qaar ka mid ah shaqaalaha kamuunka Norrköping ayaa walaac ka muujiay tirada caruurta Soomaalida ee la filayo in ay halkaasi yimaadaan sanadka soo socda ka dib marka la furo mideynta reeraha. Sida uu qoray wargeyska Folkbladet waxaa la filayaa ilaa 300 oo caruur Soomaaliyeed in ay yimaadaan magaalada Norrköping oo keliya.

Kamuunka ayaa sheegay in culeys badan ay keeni doonaan caruurta imaan doonta marka laga hadlayo daryeelka caafimaadka iyo guryaha. Caruurta cusub ayaa u baahandoonta iskuul iyo xanaano. Gacanyarayaasha Kamuunka Norrköping ayaa dalbaday in diyaargaroow loo sameeyo  soo dhaweynta dadka cusub.

Sidoo kale dhibaato weyn ayaa ka taagan guryaha oo xitaa dadka maanta degan Sweden ay dhibaato ku qabaan in ay guryo ka helaan Norrköping. “Xitaa hada ayay dhibaato tahay, qaasatan dadka aan shaqada rasmiga ah haysan in ay guru helaan” Ayay yiraahdeen Trysberg iyo Andersson oo gacanyaraal ka ah kamuunka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here