Fadeexada daryeelka dadka waaweyn iyo ceebka ku timid nidaamkaas

8

Maalmihii u dambeeyay waxay warbaahinta Sweden soo bandhigeen fadeexado balaaran oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka waayeelka ah ee lagu haayo guryaha xanaaneynta. Fadeexadaan ayaa waxay ku dhacday shirkada lagu magacaabo Carema taasoo la sheegay in si daryeel xumo ah ay ula dhaqantay dadka waayeelka ah.

Ceebaha la soo wariyay ayaa waxaa ka mid ahaa in nin waayeel ah oo markaas geeriyoonayay lagu dhaafay in uu telefishinka iska daawado halkii la wehlin lahaa. Waxaa kale oo ka mid ah in shaqaalaha lagu amray in ay qiyaasaan in boloyoorka dadka waayeelka ah ay fiiriyaan oo haddii aysan ku jiri saxaro saaid ah ay waqti dheeri ah sii wataan taasoo looga golleeyahay in la badbaadiyo lacagta.

Fadeexadaan ayaa tooshka ku daartay sida arxan darada ah ee loola dhaqmo dadka waayeelka. Iyadoo Sweden lagu amaano qeybo badan oo nolosha ah ayaa la dhihi karaa daryeelka waayeelka in uu yahay goobaha ay ku fashilmeen reer galbeedka oo dhani. Dhibaatada ayaa ka bilaabata marka caruurtii lagu soo daalay ay waalidkood iska fogeeyaan.

Waxaa ka dambeeya fadeexadaan in bulshada aan ku dhex noolnahay ay ka dhigtay dadka waayeelka ah kuwo qiimo la’aan ah. Qofka waayeelka ah ee waalidka ah uma baahna cunto oo keliya balse waxa uu u baahanyahay xiriir uu la yeesho caruurtiisa iyo qaraabadiisa. Markii layska fogeeyo qofka waxa uu noqonaya mid ku dhawaada waali oo farxadii ku yaraato.

Si loo xaliyo dhibaatadaan waxay u baahantahay in la xaliyo qaab dhaqanka bulshada Sweden. Waa in la fahansiiyaa caruurta in waalidkood mudo dheer uu soo daryeelayay oo horumarka iyo shaqada ay ku mashquuleen ay ku gaareen waalidkood dartiis. Waxyaabo badan oo wanaagsan ayay Soomaalidu kala noqon doonaan Sweden marka dalkii nabadi ku soo noqoto balse Sweden waxay Soomaalida ka qaadan kartaa daryeelka waalidka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here