Dooda Axada: Saaxiibkay ayaa iga dhalay!!!

60

Waa markale iyo doodii kululeyd ee aan qabanjirnay Axada. Maanta moowduuca aan ku soo qaadan doono waa mid adag oo runtii aan wax badan ka leexday balse markii dambe aan go’aansaday in haddii inagu aanan ka wada hadlin in naloo hadli doono.

Qodobkaan ujeedkiisa ma ahan in la cambaareeyo gabdhaha Soomaaliyed ama ragga balse waa in laga doodo mowduuca oo laysku keeno fikrado ku saabsan sidii looga bixi lahaa dabeecadaan ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena.

In labo qof oo xalaal isku qaba ay guurgooda qariyaan arimo dhaqaale owgeed waa mid runtii la dhihi karo waxay ka mid tahay cuqubooyinka naga haysta qurbaha. Sanadkaan bilowgiisii ayay ahayd markii Norway ay xabsiga dhigtay dhowr famili oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dhunsadeen lacag gaareysa 800,000kr ka dib markii ay mudo sanado ah lacag ku qaadanayeen caruurtooda oo ay sheegeen in aysan aabbe lahayn.

Sidee ayaa lagu aqbali karaa in gabadh xijaaban oo 5-ta salaadood tukada ay ajaanibta u sheegto in caruurteeda ay ku dashay xaaraan? Sidee ayaa damiirkeenu noo siiyay in aan wacaleyno caruurteena ku dhalatay guurka xalaasha inaga oo raadineyna dhowr karoon oo dheeraad ah?

Doodu waa furantahay…..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here