Dilaagii Norway oo laga yaabo in bulshada dib loogu soo dhexdaayo

6

Dhaqaatiir baarta cudurada maskaxda ku dhaca oo maxkamadi u xilsaartay in ay baaraan xalada caafimaad ee Anders Behring Breivik, oo ah ninkii gaystay xasuuqii ka dhacay Norway jasiirada Utøya 22 jully galaaftayna nafta 77 qof oo 2 ka mid ahi soomaali ahaayeen, ayaa sheegtay in ninkaas maankiisu uusan sax ahayn markii uu dilka geysanayay.

Hadii hadalka dhaqaatiirta aan dib loogu noqon oo sida ay u soo saareen loo qaato sida sharciga Norway qobo waxaa meesha ka baxaya in ninkan xabsiga lagu hayo si loogu ciqaabo xasuuqii uu gestay, waxaana taasi badelkeeda la gaynayaa halka lagu xanaaneeyo dadka dhimirkoodo aanu caafimaadka qabin ilaa inta uu bulshada qatar galin karo.

Sida laga soo xigtay khubaro dhinaca quunaanka ah, hadii loo arko in xaaladiisa caafimaad hagaagtay oo aanu bulshada wax qatar ah ku hayn waxaa suurtagal ah in uu bulshada markale ka soo dhex muuqdo oo la siidaayo,taas oo uur-kutaalo xanuun badan ku reebi karta eheladiii uu dadkooda xasuuqay.

Nidaamka cadaaladeed ee reer-galbeedka ayey waalidu caan ka tahay ayadoona inta badan dadka dambiyada dilka ah geysta, si ay sahalanaato amaba meesha oga baxdo caqaabtii ay mudan lahaayeen,ay sheegtaan in aysan maskaxiyan dhamaystirayn markii ay wax dilayeen.

Saciid Cabdi Cusman

Somaliska.com

Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here