“Cuntadii ayay ku qanci waayeen ka dibna rabshado ayay sameeyeen”

12

Magaalada Arboga ee gobolka Västmanland ayaa isbuucaan waxaa ka dhacay rabshad ay sameeyeen dadka ku jira kaamka soo galootiga ka dib markii ay ku qanci waayeen cuntadii loo dalbay.  Magangalyo doonka ayaa la sheegay in ay xireen albaabkii laga soo galayay kaamka iyaga oo isticmaalaya kuraas.

Mid ka mid ah gacanyarayaasha kaamka ayaa warbaahinta u sheegay in koox yar oo ka mid ah dadka kaamka ku jira ay rabshado abuureen oo ay ka hor istaageen dadka kale in ay cuntada qaataan. Arinta ayaa markii dambe booliska loo wacay iyadoo ay u sheegeen in wixii dacwad ah ay u gudbistaan Laanta Socdaalka.

“Waxaan siinay shootbullar iyo baasto qamiistii. Jimcadii waxaan siinay hilibka haambeergarka. Waa cunto wanaagsan, kaasoo aan ka soo iibinay maqaaxi ku taala  magaalada” ayuu yiri Tomas Hillberg oo masuul ka ah cuntada kaamka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here