50 arimood oo lagu gaaro guur farxad leh. Qaybta 2-aad

8

Waxaan halkaan ka sii wadeynaa qeybta 2-aad ee mowduuca aan ugu magacdarnay 50 arimood oo lagu gaaro guur farxad leh. Qaybtii hore waxaan ku soo bandhignay 10ka ugu horeeya arimaha lagu gaaro guur farxad leh.

11. Aaminaadu waa muhiim – qodobkaan waa mid iska cad, haddii aadan aaminsaneyn lamaanahaaga taasi waxay hogaanka u qabaneysaa kala shaki iyo isfahandaro.

12. Marka horeba dooro qof kugu haboon – Waxaan filayaa in qodobkaan uu ku haboonaa in laga dhigo midka koowaad. Marka  aad dooraneyso cida aad guursaneyso waa in aad ku raadisaa qof adiga kuu dhigna oo aad isfahmeysaan.

13. Nadaafadu waa farxada guriga – Nadaafada guriga iyo lamaanayaashu waa mid aad muhiim u ah, guriga oo aan nadiif ahayn waxa uu dilayaa farxada. Xaaska ama sayga oo aan nadaafadeeda daryeelin waxay keeneysaa in labada qof kala xiiso dhacaan oo lamaanahaaga uusan ku dhiiran in uu kuu soo dhawaado.

14. Waa in aad naftaada hurtaa – Halkaan lagama wado in aad isqarxiso balse waxaa laga wadaa in aad u dulqaadato culeysyada nolosha. Guurku mararka qaar waxa uu noqdaa mid adag oo dhibaato ah balse markaas waxaa loo baahanyahay dulqaad iyo samir.

15. Daryeel lamaanahaaga – Xaaskaaga waa in aad u daryeeshaa sida aad isku daryeesho. Seygaaga waxaa la doonayaa in aad u daryeesho sida adigu aad isku daryeesho. Ninka ragga waxaa laga doonayaa in uu xaaskiisa u muujiyo kalgacal joogto ah iyo daryeel.

16. Hadiyadaha – In aad seygaaga ama xaaskaaga hadiyado u soo iibiso waxay kor u qaadeysaa awooda kalgacalkiina iyo xiriirka ka dhexeeya labada qof.

17. Ha noqon doqon – Waa midka qaata oo keliya balse aan dhiibin.

18. Dhibaatooyinka haku eedeyn – lamaanahaaga ha u saarin dhibaatooyinka sida “adiga ayaa sameeyay” ama “dartaa ayay ku dhacday”.

19. Maanta xooga saar – Qorsheyntu ma xuma balse in aad ka walwasho bari wax loo baahanyahay ma ahan. Noloshaada maanta ka faaideyso bari in ay imaaneyso Allah ayaa og.

20. Waligaa xasuuso in guurku uu yahay xiriir labo geesood ah- Ha sameynin wax aad ka shalaayi doonto, ha iska qaadanin go’aan aadan kala tashan lamaanahaaga.

La soco qeybta 3-aad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here