Sinaanshaha haweenka iyo ragga Soomaalida ee suuqa shaqada

17

Iyadoo Soomaalidu ay yihiin dadka dhibaatada ugu weyn ay ka haysato soo galitaanka suuqa shaqada Sweden ayaa hadana haweenka Soomaalidu waxay yihiin kuwo si qaas ah arintaan u saameyneyso. Haweenka Soomaalida ayay ku qaadataa mudo dheer in ay shaqo helaan iyaga oo aan u firfircooneyn sida ragga.

Hadaba si arintaas wax looga qabto ayaa kamuunka Umeå waxaa laga bilaabay mashruuc ay ugu magacdareen Somalia kaasoo looga golleeyahay sidii haweenka Soomaalida loola mid dhigi lahaa ragga in ay suuqa shaqada galaan.

“Marka la eego sinaanshaha haweenka soomaalidu way ka hooseeyaan ragga marka laga hadlayo suuqa shaqada. Waxaan dooneynaa in aan midaas wax ka badalno, haweenku waxay doonayaan in ay shaqeystaan waxayna leeyihiin xirfadii” ayay tiri Cecilia Sandén oo hogaamineysa mashruuca.

Goobtii lagu qabanayay bilowga mashruuca ayaa waxaa soo xaadiray dad gaaraya 100 qof iyadoo lagu casuumay cunto Soomaaliyeed. “Maalintaan qiimo weyn ayay leedahay maadaama aan dooneyno in aan isi soo bandhigno oo aan muujino waxa aan qaban karno” ayay tiri Maryam Osman oo ka mid ah dadka ka qeyb qaadanaya mashruucaan.

Kulanka ayaa looga wadahadlay wax badan oo ku saabsan macnaha waxa la yiraahdo sinaanshaha. Cecilia ayaa sheegtay in ay ku adkaaday Soomaalida in ay fahmaan waxa laga wado sinaanshaha.

“Bilowgii aad ayay noogu adkaatay in aan fahansiino micnaha sinaansho balse wadahadal dheer ka dib waa fahmeen in sinaanshuhu yahay in ragga iyo dumarku ay yeeshaan xuquuq isku mid ah, fursado isku mid ah iyo masuuliyad isku mid ah ” ayay tiri Cecilia Sandén.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here