Muslimiinta Flen oo bixiyay lacagtii ay kula wareegi lahaayeen kaniisada masjidka loo badalayo

15

“Waxaa inoo suurtagashay in aan Masjidkii ugu horeeyey ka furno magaalada Flen ee wadanka Sweden waxaana u mahad celinaynaa dadkii ka qaybqaatay islamarkaana inagu caawiyey bixinta maalaayiin Karoonka Sweeshka ah” sidaa waxaa jariidada Eskilstuna Kuriren u sheegay Eskender Zekic oo ah gudoomiyaha ururka Romska.Svenska ee magaalada Flen.

Waxaa ka soo wareegatay sanad markii Muslimiinta Flen qaasatan ururka Alhudda ay saxiixeen iibsashada Kaniisada la yiraahdo Pingstkyrkan ee ku taala isla magaalada Flen, heshiiska ayaa waxa uu ahaa in ay lacagta oo gaaraysay 4 milyan ku bixiyaan muddada sanadka gudaheeda ah, nasiib wanaagse waxa ay noqotay in waqtigii oo la gaarin lacagtii soo wada xarooto welina ay ina soo gaarayaan lacago kale ayuu yiri Eskender Zekic.

Arrinkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa goor ay Sanad kahor heshiis wada galeen labada Kaniisadood ee Pingstkyrkan iyo Andrea si ay u wada yeeshaan xarun dhexe oo kawada dhaxaysa, waxayna isugu tageen o ay ka dhigteen xarun dhexe Kaniisada Andrea.

Skender Zekic ayaa waxaa kale uu sheegay 13-01-2012 furaha la soo wareegi doonaan kadibna ay qabanayaan xaflad furitaan oo ay dadka muslimka ah iyo kuwa aan ahaynba ka soo qaybgeli karaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here