Milla oo caawimaadeeda caruurta Soomaaliya ku heshay bilad

12

Gabadha yar ee 9 sano jirka ah oo lagu magacaabo Milla Martin waxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku mashruulsaneyd iibinta macmacaanka si ay lacagta ka soo baxda ugu quudiso caruurta geeska Afrika qaasatan kuwa Soomaaliya ee macaluusha la ildaran. Milla oo aan horey mowduuc uga qornay ayaa iyada iyo walaalkeed waxay noqdeen kuwo hawshooda la aqoonsaday.

Gabadhaan yar ayaa abuurtay shabakad weyn (Bullhjälpen) oo caruur ah kuwaasoo magaalooyinka kala duwan ku iibiya macmacaanka loo yaqaan (Bulle) si ay faaidada ka soo baxda ugu biiriyaan hay’adaha caawinaya caruurta. Mashruuca gabadhaan yar ayaa si weyn loola dhacay oo lagu soo qaatay qeybo badan oo ka mid ah warbaahinta Sweden.

Hawsha Milla ayaa xitaa waxay gaartay wadankaasi Maraykanka iyada oo ku guuleysatay bilad iyo lacag. Sida ay bogeega Facebook ku qortay waxaa warqad u soo diray urur ka dhisan Maraykanka oo gudoonsiiyay bilad iyo lacag gaareysa 10,000$. Milla ayaa sheegtay in lacagtaas ay ku biirin doonto lacagaha ay soo uririyeen oo caruurta lagu quudinayo. Ilaa hada ayaa Milla iyo asxaabteeda waxay soo ururiyeen lacag ka badan 200 000kr oo ku dhow 30,000$.

Gabadhaan yar ayaa waxay tusaale u tahay in bani’aadamku meelkasta oo uu joogo ilaahay ku manaystay caqli iyo naxariis. Soomaalida waxaa laga doonayaa in ay iyaga isku naxariistaan oo isgacan qabtaan. Waa in aan tusaale u qaadaa gabadhaan yar ee caqliga badan. Masha Allah. oo waa in aan caruurteena ku ababinayaa gargaarka bani’aadanimada iyo qiimaha uu leedahay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here