Kulan dhexmaraya duqa magaalada Falköping iyo wasiirka Socdaalka oo ku saabsan arimaha Soomaalida

8

Isbuucaan ayaa waxaa kulan yeelanaya wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström iyo labo gudoomiye oo ka socda magaalooyinka Falköping iyo Borlänge. Kulankaas ayaa looga hadli doona sidii loo dardar galin lahaa mideynta reeraha Soomaalida.

Ka hor kulanka uu la yeelanayo wasiirka Socdaalka ayaa duqqa magaalada Falköping  Ulf Eriksson waxa uu kulan la qaatay jaaliyada Soomaalida Falköping kuwaasoo u gudbiyay qodobo dhowr ah oo ku saabsan mideynta reeraha Soomaalida. Qodobadaas ayuu isagana u bandhigi doonaa Wasiirka Socdaalka. Waxa ka mid ahaa qodobadii loo bandhigay duqqa magaalada.

  • In caruurta da’ooda ay gaartay 18 sano iyaga oo dacwadu u socoto aan lagu xayirin waqtiga dheer ee la sameynayo isbedelka balse isla hadaba lala mideeyo reerahooda.
  • Caruurta uu ka maqanyahay mid ka mid ah waalidkood sidaa darteedna aysan macquul ahayn in la keeno ogolaanshaha midka kale, oo uusan ku filneyn dheecaanka DNA. Waa in la dhowraa xuquuqda caruurtaas.
  • Sidee ayaa loola tacaalayaa kiisaska hada iyo mustaqbalka marka sharciga la badalo. Dad badan ayaa kiisaskooda horey go’aano looga gaaray oo xitaa ay go’aamisay maxkamada sare. Dadkaas waxaa ka baxay lacag iyo waqti badan isla markaana ma haboona in hada ka dib ay ka soo bilaabaan safaarada. Dadkaas kiisaska kooda waa in dib loo eegaa.
  • ilaa hada lama cadeyn in heshiiska ay ku jiraan caruurta aan la socon waalidkii dhalay, wadanka Soomaaliya waxaa ka jira caruur badan oo la soo korsaday.
  • Laanta socdaalku waxay siyaadisay dalabkeeda ku aadan matalaada caruurta maadama caruurtu aysan iskood codsi u xareysan karin, taas xitaa waxaa ku jira caruurta ay u dacwoonayaan waalidkii dhalay. Arintaas waxay u baahantahay xal rasmi ah.
  • Heshiiska waa in sidoo kale lagu daraa dadka isqaba, qaasatan kuwa isguursaday ka dib markii uu midkood Sweden iska dhiibay.
  • Laanta Socdaalka waa in la siiyaa khayraad dheeri ah si loo dardar galiyo xalinta arimahaan. Ugu dambeyntiina waa in arintaan aan lala sugin ilaa July 2012 ee hada hawsheeda la fuliyaa.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here