Madaxda Yurub oo Ra’iisul-wasaaraha Israel u arka in uu yahay nin beenaale ah.

2

Shalay ayaa qaar ka mid ah war-baahinta faransiisku waxay qortay sheeko sir ah oo todobaadkii tagay dhex martay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo kan faransiiska Nicolas Sarkozy.

Sheekadaan oo ahayd sheeko gaar ah oo labada madexweyne u dhexmartay war-fidiyeenkana aan loogu taligalin in ay dhageystaan ayaa bilaabatay ayadoo mikrofoonka ku yaala qolka shirarka uu shidanyahay, koox wariyeyaal ahna ay sheekada kala socdaan qalabka dhagaha la gashto ee loo isticmaalo turjumaada deg-dega ah laakiin labada madax wayne aysa ogayn.

Nicolas Sarkozy iyo Barack Obama oo sida la sheegay kawada hadlayey sababta Faransiisku ugu codeeyey in Falastiin ku biirto UNESCO oo ah hey’adii koowaad oo qaramada midoobay hoostagta ee Falastiin kamid noqoto ayaa sheekadoodii waxaa soo galay arimo ku saabsan habdhaqanka Ra’iisul-wasaaraha Israel ,Benjamin Netanyahu.

Sarkozy oo la yaaban Natanyahu ayaa yiri ” Uma-dulqaadan karo Netanyahu, waa beenaale’’

Obama oo horay looga soo xigtay in uu yiri Israel iyo Maraykanka waxaa ka dhexeeya xiriir lama taabtaan ah iyo taariikh ma guurta ah, laakiin Aniga iyo Natanyahu waxaa noo dhaxeeya farqi xaga aragtida ah, ayaa ugu jawaabay Sarkozy

’’ Quus ayaan ka taagantahay,laakiin waxaan ka qusbanahay in aan wax la wadaago in ka badan inta aad wax la wadaagto’’.

Ma ahan markii ugu horaysay ee madaxweynaha Faransiisku walaac ka muujiyo hab-dhaqanka ra’iisul-wasaaraha Israel, todobaadyo ka hor asagoo la hadlaya golihiisa wasiirada ayaa Sarkozy yiri ’’Waligiiba Netanyahu ma uusan dayicin fursad uu nagu niyad-jabiyo’’

Kuma koobna Sarkozy madaxda ka aamin baxday Netanyahu, Haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah Germalka Angela Merkel ayaa la sheegay in ay tiri, ’’kalmad Netanyahu yiri rumaysan mahayo’’ , halka madax kale sida Ra’iisul-wasaaraha British-ka David Cameron kaba dheeraadaan.

WD: Saciid Cabdi Cusmaan, Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here