Masaajid cusub oo laga dhisayo Linköping

8

Qorshaha masaajid cusub looga dhisayo magaalada Linköping ayaa dardar ku socda iyadoo hada ay bilaabatay doorashada goobtii laga dhisi lahaa masaajidka. 9 boos oo kala duwan ayaa la soo bandhigay oo midkood laga dhisi doono Masaajidka. Isbuucaan ayaa la soo tusay dadka agaasimaya mashruuca Masaajidka boosaska loo diyaariyay.

Boosaska la soo bandigay ayaa ku kala yaala xaafadaha Berga, Lambohov, Ryd, Skäggetorp, Tannefors iyo gudaha magaalada Linköping.

“Waxaa naloo soo bandhigay boosaska kala duwan, runtiina waa adagtahay in aan kala doorano” ayuu yiri injineerka naqshadeynaya Masjidka Adnan Muhsinovic.

Naqshadeynta Masaajidka ayaa u baahan hawl dheeri ah maadaama la doonayo in loo jeediyo qiblada iyo in minaarad loo sameeyo. Adnan ayaa sheegay in Masjidka cusub laga dhigi doono mid si casri ah loo naqshadeeyay.

Dhismaha masaajidka ayaa hada ku xiran ogolaanshaha naqshada iyo in lacagtii lagu dhisi lahaa la soo ururiyo. Masaajidka cusub ayaa la filayaa in uu diyaar ku noqdo mudo 2 ilaa 3 sano ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here