Soomaali ma tihid: Sharcigii waa lagala noqday oo waa la celinayaa

28

Wiilka lagu magacaabo Fahran waxa uu Sweden ku noolaa 3 sano. Waxa uu sharciga deganaanshaha qaatay sanadkii 2009. Waxa uu dhameeyay dugsiga hoose isaga oo isku diyaarinayay in uu dugsiga sare ka bilaabo Stockholm oo doonaya in uu noqdo injineer guryaha dhisa. Iskuulkana waxa uu ka sameystay asxaab.

Balse sheekada ayaa fashilantay, laanta socdaalka ayaa go’aamisay in sharciga laga ceshado Fahran markii ay cadaatay in turjumaanka uu qaatay laaluush. 10 maalin gudahood ayaa wadanka looga musaafurinayaa. Fahran ayaa sheegtay in uu ka yimid Soomaaliya balse laanta Socdaalka ayaa go’aamisay in uu ka yimid Tanzania oo halkaas ayaa loo celinayaa.

Waxa uu sheegay in uusan Tanzania waligiis cag dhigin oo uu Somaliya ka soo jeedo. Farhan ayaa sheegtay in uu yahay qoomiyada Baanjuuga ee ku nool Somalia. Waxa uu sheegay in hooyadiis ay u soo dirtay Kenya magaalada Mumbaza isagoo ka dibna soo galay Nairobi oo ay u xigtay Sweden.

Laanta Socdaalka ayaa ku wareertay wadanka dhabta ah ee uu ka yimid wiilkaan iyagoo sheegay in 6 wadan laga yaabo midkood in uu ka yimid sida Kenya ama Tanzania. Mudo 6 bilood ah ayaa waxaa wareysi joogto ah ka qaadayay Laanta Socdaalka iyagoo baaritaan ku sameeyay lahjadiisa.

Marka la celiyo Fahran ayaa waxaa la geyn doonaa Tanzania halkaasoo ay wehlin doonaan labo ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka, waxaa baaritaan lagu sameyn doonaa asalkiisa oo haddi Tanzania ay dhahdo waa dadkeena halkaas ayaa looga soo tagi doonaa haddii ay dhahaan naga mid ma ahan waxaa la geyn doonaa Kenya oo iyaguna baaritaan ku sameyn doona. Haddii Kenya diido waxaa qasab ah in Sweden lagu soo celiyo oo degenaansho cusub la siiyo.

Xigasho: Sverige Radio – P3

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here