Nässjö: goob hilibka xalaasha lagu qalo oo la xiray

4

Maamulka gobolka (Jönköpings län) ayaa xiray goob lagu qalo hilibka xalaasha oo ku taala magaalada Nässjö ka dib markii la sheegay in xayawaanka la qalo iyaga oo aan la suuxin. Maamulka gobolka ayaa sheegay in mudo sanad ah ay goobtaas isha ku hayeen isla markaana amaradii ay bixiyeen aan waxba laga qaban.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in diinta laga hormariyay waxkasta, iyada oo aan la qaadan shaqaalaha tababaran maadaama aysan Muslim ahayn.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in si dib loogu furo goobtaas waa in ay shaqaaleeyaan dad xirfad u leh qaliinka xoolaha. Waxay intaas ku dareen in la doonayo in la soo bandhigo liis cadeynaya dadka xoolaha qalaya iyo in markasta qalabka lagu sameeyo baaritaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here