Maxkamada Socdaalka oo shuruud ka dhigtay cadeynta matalaada caruurta

15

Go’aan cusub oo ay gaartay maxkamada Socdaalka ee Sare (Migrationsöverdomstolen) bilowgii bisha Oktobar ayay shuruud kaga dhigtay waalidiinta doonaya in ay caruurtooda Sweden keenaan in ay soo bandhigaan warqad cadeyneysa in ay haystaan ogolaanshaha matalaada caruurta. Shuruudaan ayaa dhalisay in Laanta Socdaalka sidii aan horey u qornay ay diidmo ka safto Soomaali badan.

Arintaan ayaa ku timid ka dib markii Maxkamadaha hoose ee Socdaalka (Migrationsdomstolen) iyo Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay isku qabsadeen kiis gabadh Soomaaliyeed kaasoo Laanta Socdalka ay diidmo siisay sanadkii 2010 ka dib markii ay sheegeen in aysan aqoonsikeeda cadeyn.  ka dibna maxkamada hoose (Migrationsdomstolen) ayaa ogolaansho siisay ka dib markii laga qaaday dheecaanka DNA iyada oo dib ugu soo celisay kiiska Laanta Socdaalka.

Intaas ka dib ayaa Laanta Socdaalka wacay racfaan u gudbisay Maxkamada Sare ee Socdaalka taasoo sheegtay in go’aankii maxkamada hoose uu yahay waxba kama jiraan isla markaana la doonayo in waalidka ilmaha u dacwoonaya ay soo bandhigaan cadeyn muujinaysa in ay caruurta matalikaraan oo masuul ka yihiin. Maxkamada Sare ayaa racfaankii Laanta Socdaalka aqbashay oo kiiskii dib ugu soo celisay Maxkamadaha Hoose.

Arintaan ayaa dhalineysa caqabad cusub oo aan la dhaafi karin ilaa sharciyada wax laga badalo waayo warqadaha cadeynta ee waalidiinta Soomaalidu ay keenaan ayaysan aqoonsaneyn dowlada Sweden isla markaana waalidiin badan ayaa waxaa u qoran in waalidkii kale la waayay. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah in arintaan wax looga qabto isbadalka la filayo in lagu sameeyo mideynta reeraha Soomaalida oo la filayo in uu dhaqan galo July 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here