Maria Ferm oo la kulmaysa Soomaalida

8

Afhayeenka dhinaca socdaalka iyo xuquuqda ee xisbiga cagaaran (Miljöpartiet) gabadha lagu magacaabo Maria Ferm oo ka tirsan xubnaha baarlaaanka dalka ayaa bilowday iney booqato deeganada ay soomaalidu ku badanyihiin dalkani sweden. Maria  ayaa xisbigeeda u mataleeysay heshiiska ay dowladdu lagaleen oo ahaa sida Soomaalida reerahoodu loogu keeni lahaa iyadoo muddana ka shaqeeyneeysay arintaasi.

Maria  oo lagu soo doorto Malmö oo ah caasimadda 3-aad dalka Sweden ayaa waxaa ay ka qeebqaadatay muddooyinki ugu danbeeyay doodo laxariira arimaha mideeynta reeraha Soomaalida iyadoo si weyn uga hadashay warbaahinta dalka waxii ka danbeeyay markii ay si wada jir ah ugu wada dhawaaqeen iyada iyo wasiirka socdaalka dalka Sweden Tobias Billström.

Maria ayaa booqashadeeda ugu horeeysa ku tagi doonto xaafadda Hamarkulan ee magaalaad 2-aad ee ugu weyn dalka Sweden Göteborg maalinta isniinta ee ku beegan 17/10/2011. Sidaasi oo kale ayaa waxey Maria booqandoontaa Xaafadda ugu soomaalida badan magalaad Eskilstuna ee Fröslunda halkaasi oo ay kula kulmi doonto boqolaal somali ah kadib markii ay si rasmi ah u casuumeen somalida reer Eskilstuna 24/10/2011.

Xisbiga  MP ayaa waxaa uu heshiis wadashaqeeyn ah la gaaray Dowladda sweden si loo fududeeyo arinta mideeynta reeraha soomaalida ee muddo kala maqanaa markii uu saameeayay sharciga caddeynta shaqsiga oo shuruud laga dhigay

Mukhtar Yussuf 

Eskilstuna, Sweden 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here