Maraykanka: 30 Soomaali ah oo shaqada looga cayriyay salaada darteed

7

Magaalada Seattle ee dalka Maraykanka ayaa 30 Somali ah waxaa shaqada looga joojiyay ka dib markii la sheegay in ay shaqada ku tukadeen. Dadkaan oo u shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Hertz oo kireysa baabuurta iyo basaska ayaa guud ahaantood shaqada laga joojiyay. Shirkada Hertz ayaa sheegtay in 2 sano ka hor ay kontrakti ku galeen in marka shaqaaluhu ay tukanayaan in loo xisaabinayo saacada.

Shirkada ayaa sheegtay in shaqaalaha la cayriyay aysan saacada xisaabsan oo kuwii saacada xisaabsaday aan la cayrin. Shaqaalaha ayaa sheegay in aysan shirkadaan horey uga dalban in ay saacada xisaabsadaan isla markaana aysan cahdiga ku cadeyn. Urur matalaya shaqaalahaan ayaa Maxkaamda Shaqaalaha dacwo u gudbiyay ka dhan ah shirkada Hertz. Shirkada ayaa lagu eedeeyay in aysan ururka shaqaalaha u soo sheegin in ay siyaasadeeda badashay.

Shaqaalahaan ayaa ka shaqeynayay airoboorka Seattle iyadoo dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya shirkada Hertz ee magaaladaasi ay yihiin inta badan Muslimiin. Waxaa kale oo la sheegay in shirkadaan aysan shaqaalaha siin daryeel caafimaad iyo fasax toona.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here