Magangalyo doonka oo lagu xamaasho

4

Dadka magangalyo doonka ah iyo kuwa sharciga loo diiday ayaa la sheegay in si bani’aadanimada ka baxsan loogu xamaasho goobaha baabuurta lagu dhaqo. Baaritaan ay sameysay idaacada Sverige ayaa lagu soo bandhigay in dadka aan sharciga lahayn loogu shaqeysto si bani’aadanimada ka baxsan oo la siiyo dhaqaale aad u hooseeya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in goobo badan oo baabuurta lagu dhaqo ay ka shaqeeyaan dad sharci la’aan ah oo saacadii la siiyo 20kr oo keliya. Dadkaas ayaa la sheegay in ay sidoo kale shirkadahu dajiyaan guryo aad cariiri u ah oo heerka noloshu aad u hooseeyo.

Booliiska ayaa sanadkii hore wax baaritaan ah aan sameyn iyagoo sanadkaan 23 goobood oo baabuurta lagu dhaqo baaritaan ku sameeyay. Magaalada Stockholm ayaa kala bar goobihii baaritaanka lagu sameeyay waxaa lagu soo qabtay dad sharci daro ah oo shaqeynaya. Booliiska ayaa sheegay in ay arkeen dad 10-12 saac shaqeyanaya oo aan la siineyn 30kr ka badan saacadii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here