Laanta Socdaalka: Somaliland kama jirto khatar shaqsiyadeed

41

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa warbixin ay soo bandhigtay oo ku saabsan xaalada Soomaliya iyo sida loo baarayo kiisaska magangalyo doonka waxay markale ku celiyeen in aysan qatar ka jirin waqooyiga Somalia sida Puntland iyo Somaliland.

Warbixinta oo lagu qeexay wadooyinka la marsiinayo qofka iska dhiibay Sweden si loo cadeeyo goobta uu ka yimid iyadoo la baarayo aqoonta uu u leeyahay Muqdisho, lahjada uu ku hadlo iyo qabiilkiisa. Laanta Socdaalka ayaa qiratay culeyska ay leedahay baaritaanka kiisaska Soomaalida maadama ay adagtahay in la cadeeyo goobta uu ka yimid qofku.

Laanta Socdaalka oo ka hadlaysay kiiska gabadh isku dhiibtay in ay Muqdisho ka timid ayaa soo bandhigtay sidii ay u baareen kiiska gabadhaas iyagoo ka qaaday wareysiyo badan iyo baaritaano xaga luuqada ah oo ugu dambeyntii go’aamiyay in ay ka timid waqooyiga oo ay sabab uga dhigeen in aysan aqoon ku filin u lahayn Muqdisho isla markaana lahjadeeda looga hadlo waqooyiga.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here