Ishii wararka cunsuriyiinta oo la xiray

0

Maalintii axadda ahayd ayaa tifaftirayaasha daaha-kuqarsoon ee bogga ugu caansan ee ay leeyihiin cusnuriyiinta waxay ku dhawaaqeen in websitekii Politiskt Inkorrekt la xiray sababo xaga waqtiga ah awgood. Xildhibaan xisbiga cunsuriga (SD) u hadlay ayaa uga faallooday idaacadda Sveriges Radio in ay tahay murugo wayn in la xiro wargeyska. Waxaa halkaas ka ogaanaysaa inay kooxaha cunsuriyiintu aad ugu riyaaqi jireen hadallada beenta iyo barobagaandada ah ee soo-galootida lagula kacayay.

Websitekan politiskt inkorrekt  ayaa sanadihii ugu dambeeyay aad usoo caanbaxay iyadoo
uuna xiriir hoose kala dhexeeyay xisbiga cunsuriga ah ee (Sverigedemokraterna). Cabasho
uu ka qoray tifaftiraha Expo.se oo ah wargeys ay leeyihiin urur iskutaagay arrimaha bulshada
iyo ladagaallanka cunsuriyadda, ayuu ku sheegay in wargeysku uu sii hurin jiray waxyaalaha
ceebaha iyo xumaanta ah ee soogalootiga ka dhanka ah . Wuxuuba wargeysku kasii horreeyay xisbiyada
cunsuriga ah isagoo si baaxad wayn ufidin jiray warar aan sal iyo raad lahayn kuwaasoo meel
kadhac ku ahaa ama magac xumo usoo jiidi jiray ajaanibta. Wuxuu wargeysku aad u soo
aruurin jiray falal dambiyeedyada ka dhaca Sweden kuwaasoo uu aad u beegsan jiray kuwa
ay ajaanibtu sameeyaan oo kaliya si uu toosh ugu ifiyo una tuso muwaadiniinta swedishka ah
qaladaadka soogalootida. Wargeyska Politiskt Inkorrekt muusan lahayn soo saare iyo tifaftire
layaqaan midna, taasoo adkaysay in la dacweeyo amaba loo qabsado wararka meel kadhaca
ah ee ay qori jireen.

Nasiib xumo, waxaa la qiyaasayaa in farxadda iyo raynraynta in la xiro wargeyskan ay
koobnaan doonto, iyadoo sababtoo ah ayba horey kasoo baxeen qorshayaal lagu doonayo
websiteyo kale kuwaasoo isla wadadii hore ee cunsuriyadda SD raaci doona; taasoo ah in
daaha gadaashiisa laga qoro warbixino ay ku dheehan tahay nacayb iyo warar aad u xun.

Mohamed Said kulmie
Malung-Sälen
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here