Dood wadaag ku saabsan mideynta reeraha Soomaalida oo ka dhacay Norrköping

17

Booqasho aan ku tagnay Magaalada Norrköping ee Wadanka Sweden ayaa waxa halkaasi ka sameeynay barnaamij ku saabsan sida ay u arkaan Qoysaska Soomaaliyeed ee Familadeedu ka maqan yihiin Go’aanka ka soo baxay Dowlada Sweden kaas oo ah in Sanadka dambe dhexdiisa ay midoobi doonaan.

Marka hore Waxaa hadal kooban oo ku aadan Go’aanka Dowlada Sweden ka soo baxay ka soo Jeediyay Goobta aan Aragtida Qoysaska Soomaaliyeed ku aruurineeynay Xildhibaan Abdulkadir Ahmed  oo ah Mudane Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Norrköping .

”Anigoo ku hadlaya magaca xisbigayga Mp waxan soo dhawaynaa heshiishkan aan lagaarnay Dowlada waxaana filayaa in waalid badan oo ka walwalsanaa caruurtoda oo ku nool qaarad kale nolashooda hadeey ahaan laheeyd xaga cafimaadka waxbarashooda waayo caruurta waa caruurtii mustaqbalka hooyada waxay hooyo ku tahay inay halmeel kula noolaato ilmaheeda aabaha asna waxuu aabe fiican ku yahay inuu la noolaado cauurtiisa sidaan ogahay xisbiga Mp waligiis ayuu u tagnaa xaquuqda dadka soogalootiga tusaale ahaan 2005 waxaa uu ku qasbay dowladii xiligas haysay oo aheed xisbiga socaialdemokraterna inay cafis u fidiso sharcidonayaal gaaraya 30.000 waliba qaar ay ahaayen qaar dhuumasho kaga nool wadanka oo poliska uu radinayay si loogu celiyo wadamadoodii waxaana kamid ahaa Soomali ” Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Mr Abdukadir Ahmed oo ay ka muuqatay in uu aad uga xun yahay wax yaabaha hortaagan in la mideeyo Familada kala maqan.

Sidoo kale Dhamaan intii ka soo Qeyb gashay Barnaamijkaan Sidee u aragtaa ama uu kuula muuqdaa  Go’aanka Dowlada Sweden ka soo baxay waxeey isku raaceyn oo isku mid ay kawada noqdeeyn in ay ku qanacsan yihiin oo ay soo dhaweeynayaan waxeeyna u mahad celiyeen Jaaliyada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Norrköping iyo Wariyayaasha soo BooqdayneenBarnaamijkaan sameeyay.

Qeybtii dambe ee Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday Sidee dhibka uga baxnaa hadii aa nahay Soomaali? Sideen uga qeyb qaadaan Siyaasada Wadankaan?  Sidee Hormar ku gaari karnaa? Su’aalahaasi waxaa la weeydiiyay Xildhibaan Abdukadir Ahmed oo Barnaamijkaan Marti ku ahaa waxuuna ku jawaabay.

”Walaahi aad beey u fududahay marka afka laga dhahayo laakiin waxeey u baahantahay kaliyah waa anagoo gacmaha isqabsano iska iloowno qabiilka iyo xaasidnimada aan iska iloowno waxaana ogaatiin 2014 in dad badan ay codeeyn doonaan hadii alle idmo marka codkaaga sii xisbiga danta umdda Soomaaliyeed u taagan waliba anoo  dhahaya u abaal gud Xisbiga Mp kuna biir xisbiyada si aad u ogaato go’aanka danteena ka hadlaya  waayo hadaa ka maqanahay miiska  sharciga lagu gaarayo  go’aankasta filo  lakin hadaa miiska fadhiso Gacanta tagaanee waana diidaysaa markasta ogoow codkaaga waxbuu tarayaa ee aan ka qayb qaadano  dhanka siyaasada kalana ogoow xisbiga ku tagersan adi.

Isku soo wada duub waxuu ku soo idlaaday Jawigii loogu tala galay barnaamijkaasi ahaa Sidee u aragtaa Go’aanka Dowlada Sweden ee dib u bilaabeyso in ay mideeyso Familada Soomaaliyeed Waxaan u mahad balaaran u celineeynaa alle iyo Xildhibaan Abdukadir Ahmed iyo Jaaliayada Dhalinyarada ee Somaliska Ugdomsföreningen oo nagala qeyb qaatan qabsoomida Barnaamijkaan iyo intii ka qeyb qaadataybo dhanka dooda waxaana jaceyl nahay in aan tagno Magaalooyin Badan o oka mid ah Wadanka Sweden ogoow Akhristoo Magaaladaada waan ku soo fooleenahay Dhawaan.

 

Qore iyo isku dabaride
Abdifatah Lajecloow
Email: xaqiiqda@live.com
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here