Website faafinaya macluumaadka dadka sharciga la siiyay oo qaylo dhaan abuuray

4

Website lagu magacaabo MigiLeaks oo faafiya macluumaadka dadka sharciga qaatay ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii qaar ka mid ah dadkii halkaas lagu soo daabacay la sheegay in dabagal lagu sameeyay. Websitekaan ayaa ah mid ka soo horjeeda magangalyo doonka iyaga oo soo bandhiga kiisaska dadka sharciga la siiyay iyo macluumaadkooda sida magaca, adreeska, wadanka uu ka soo jeedo qofku.

Dadka dhibaatadu ka qabsatay websitekaan ayaa waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali kaasoo sheegay in nin kale oo Soomaali ah uu nolosha ku dhibay ka dib markii uu macluumaadkiisa ka helay websitekaas. Cali ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah uu soo wacay oo macluumaadkiisa oo dhan uu haayay sida magaciisa, adreeskiisa iyo xitaa qabiilkiisa. Cali ayaa sheegay ninkii in uu xitaa gaarigiisa qaatay oo uusan ka doonan karin maadaama uusan aqoon.

Websitekaan ayaa macluumaadka dadka waxay ka soo ururiyaan go’aamada ay gaaraan maxkamadaha socdaalka Sweden iyadoo ay heli karaan dhamaan macluumaadka dadka kiiskooda uu gaaray Maxkamadaha (Migrationsdomstolar). Maxkamadaha ayaa waxay ku qasban yihiin in ay soo bandhigaan go’aamada ay gaaraan balse isticmaalka macluumaadka dadka ee uu soo bandhigayo websitekaan ayaan la aqoon waxa laga yeelayo.

Waxaa jira sharci ka yaala soo bandhigida macluumaadka dadka balse waxaa adag in lagu soo oogo wax dambi ah websitekaan maadaama macluumaadka ay soo daacaan uu yahay mid horey loo daabacay. Qofkii dambi loo geystay macluumaadkiisa oo lagu faafiyay internetka dartiis waxaa u furan in uu booliiska la xiriiro.

Arinta uu abuuray websitekaan ayaa ah mid khatar weyn u leh bulshada Soomaalida ee goordhow sharciga qaatay ama kiisaskooda ay yaalaan maxkamadaha maadaama macluumaadkaaga la soo daabici karo oo xitaa la heli karo telefoonkaaga iyo adreeskaaga.

Cali ayaa sheegay xitaa in uu soo wacay qof Swedish ah oo hadalo aflagaado ah u geystay. Cali ayaa sheegay in uu cabsanayo oo loogu hanjabay in la dilayo haddii uusan Sweden isaga tagin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here