Websiteyo badan oo la jabsaday

5

Nin ka mid ah dadka kombutarada jabsada ayaa la sheegay in uu furtay akoonada 180,000 oo qof oo ku nool Sweden oo ay ka midyihiin dad madax ah iyo kuwo muhiim ah. Arintaan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii lala wareegay akoon uu leeyahay wiilka lagu magacaabo William Petzäll kaasoo horey uga tirsanaanjiray xisbiga SD. Akoonkiisa bogga Twitter ayaa lagu soo daabacay macluumaad xasaasi ah oo ay ku jiraan baasweedhada qaar ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Sweden ee ka shaqeeya Aftonbladet iyo Expressen.

Labada wargeyska ayaa xaqiijiyay in baasweedhada la soo daabacay ay sax yihiin oo qaar ka mid ah kombutaradooda la jabsaday. Sidoo kale waxaa la jabsaday websiteyo gaaraya 60 kuwaasoo uu ku jiro website caan ah oo lagu magacaabo Bloggtoppen.se halkaasoo lala wareegay akoonada 90,000 oo qof.

Dadka emailkooda iyo baasweedhkooda la helay ayaa waxaa ka mid ah 79 qof oo ka tirsan xisbiga Moderatka oo ay ku jiraan xildhibaano iyo 50 ka tirsan xisbiga Folkpartiet. Dhacdadaan ayaa loo gudbiyay hay’ada amniga ee Säpo iyadoo aqoonyanada cilmiga amaanka kombutarada ay ku tilmaameen weerarkii xaga internetka ee ugu cuslaa ee ka dhaca Sweden.

Ninka weerarka fuliyay ayaa email u soo diray wargeyska Expressen isagoo u sheegay in ujeedada uu weerarka u gaystay ay tahay in uu dadka u muujiyo in uusan macluumaadkooda amaan ahayn. Waxa uu sheegay in uusan ka mid ahayn kuwa xun ee sida qaldan u isticmaala macluumaadka ay jabsadaan. Dadka dhibaatadaan ku dhacday ayaa lagu wargaliyay in ay baasweedhada ka badalaan dhamaan akoonada kale ee ay leeyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here