Tartan: Ku guuleyso koorso bilaash ah, noo sheeg sheeko qosol leh

74

Waxaa soo dhawaaday xiligii aan irdaha u furi lahayn qeybta cusub ee aan Somaliska ku soo dari doono halkaasoo si wada jir ah luuqada Swedishka loogu baran doono. Hadaba anaga oo sharfayna farxada maalinta jimcaha ayaan waxaan qabaneynaa tartan aan ku godoonsiin doono cidii ku guuleysata xubinimo lacag la’aan ah oo mudo 3 bilood ay kaga mid noqon karaan qaybta cusub ee Somaliska SFI Skolan.

Hadaba si’aad uga qayb qaadato tartankaan waxaad noo sheegtaa si kooban qiso cajiib ah ama qosol leh oo adiga kugu dhacday ama qof aad taqaano ku dhacday. Ha iloobin in aad isticmaasho emailkaaga saxda ah iyo magaalada aad ku nooshahay marka aad fikrada ku dareyso. 3 qof ayaan ka dooran doonaa dadka oo aan la dhacno sheekada ay halkaan ku reebeen. E-mail ayaan kuu soo direynaa haddii aad guuleysato.

Tartanka waxaa ka qeyb qaadan kara dadka Sweden ku nool oo keliya. Waxa uu socon doonaa ilaa Sabtida maqribkii.

Jimcale: Tartanka waa xiranyahay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa inta ka qeyb qaadatay ee noo soo bandhigtay sheekooyinka qosolka badan. Runtii aad ayay u adkaatay in aan doorto 3 qof waayo sheekooyinka aad soo bandhigteen waa kuwo aad u sareeya balse sidii balantu ahayd 3 qof oo keliya ayaa guuleystahay kuwaas oo kala ah. 

1- Ahmed oo degan Ludvika,  Dalarna.

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baritaan ku sameeyey su’aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa uu bal helo. Dhakhtarkiise wuxuuna dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn.
Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri “Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaad…an xanuunsanayn markaas ayaad bogsan doontaa.” Ninkii ayaa yiri “Waahagaag dhakhtaroow”, ninki inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarii yiri “War ninyahow lacagtii baaritaanka isii”. Ninkii baa yiri “Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey,Ludvika Dalarnas län,sweden

2- iki – oo aan sheegin halka ay ku nooshahay. 

Nin reer waqooyi ah ayaa soo raacay (Bus) ka dhax shaqeeya muqdisho, kursi ayuu fariista cabaar kadib ayaa waxaa buskii soo koray GABAR cunug wadatah oo REER XAMAR AH gabandha waa saxiibtay cunuga wadatay NINkii reer waqooyi ayaay ku tiri” ABOOWE JAG DHEH”” oo ay kawado iga siko markaa suu afka kayir”” JAG” Gabadhii way ku celisay” aboowe maa jag dhahdid” markaa soo hadana Afka ka yiri” jag” GABADHII si qayla ah ayaay ku tiri” maxaa kugu dhacay maa jag tiraahdid”
asigiinaa si cara leh ayuu kor u yiri” dee jag,oo jag, madhagahaad la’dahay, iminkoo dhan baan ku leenahay wax ma fahaantit miya markaasa inta baska sarneet la wada qosleen gabadhina ku baraarugtay inu ninka fahmeen hadalka ee ku dhahday markaas ayay ayadan qosalki ragaabki sarna dhinac kala qabsatay ninkina meshi ayuu ku xanaaqay baskina ka daktay asigo dhahayo gabadhi waan gartay bal maxa helay ragaabka.

3- Abdirahman – oo degan Sundsvall.

Mida naagtiisa dilaayey laamiga dhexdiisa, ninaa soo maray meesha wuxuu dhahay war heedhe naagtada lama dilo ee hadad rabto in aad disho midkale un la soo guurso saase ku dilantahaye, kuma fahmin maxaa kawada uu dhahay kii wax dilaayey, naagti aa hoos ka soo qeelisay GACALIYE WARKIISA ISKA DHAAF EE I DIL KULAHA JUGTA LA II QAATAYE kkkkkkkkkkkkkkkkk

Hadaba hambalyo ayaan idin leeyahay e-mail ayaan idin soo diri doonaa oo markii aan furno qeybta Somaliska SFI Skolan ayaad heli doontaan 3 bilood oo bilaash ah. Intaan sheekada kuma dhamaan insha Allah tartamada nuucaan ah waan sii wadi doonaa.

Fiiro gaar ah: Gabdhaha Soomaaliyeed in wax laga sheeko waan ka soo horjeednaa, reer waqooyi waa walaalaheen balse mowduucaan waa mid iska baashaal ah oo aan loola jeedin in cid lagu xumeeyo. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here