Khatarta telefoonka iyo dhagaysiga dowlada

9

Maraykanka ayaa waxaa isbuucaan ka bilowday maxkamadaynta labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay taageero siiyeen ururka Al-shabaab. Haweenkaan oo ka shaqeyn jiray haydaha gargaarka ayaa lagu eedeeyay in ay lacago u ururiyeen xarakada Al-shabaab oo maraykanku u aqoonsanyahay urur argagixiso.

Kiiska lagu haysato dumarkaan ayaa intiisa badan waxaa cadeyn looga dhigay cajalad laga duubay telefoonka ay kula hadli jireen dadka ay la xiriiraan iyadoo la soo bandhigay in ka badan 30,000 oo ah wadasheekeysigii ay telefoonka ku sameeyeen oo mudo 1 sano ah ay FBI-da maraykanku dhageysanaysay.

Hadaba qatarta ugu weyn oo dad badani aysan fahansaneyn ayaa ah dhibaatada telefoonka. Wadankaan aan ku noolnahay ee Sweden ayaa sidoo kale Al-shabaab u aqoonsan urur argagixiso iyadoo ay ahayd bilowgii sanadkaan markii labo wiil oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay in ay Alshabaab ka tirsanaayeen xabsiga laga daayay markii cadeyn lagu waayay balse kiiskooda ayaa sidoo kale waxaa cadeyn looga dhigay telefoonkooda oo la dhagaystay. Hay’ada Amaanka Sweden (Säpo) ayaa soo bandhigtay dhageysiga wiilashaan iyagoo fasax u haysta in ay dhagaystaan telefoonada dadka ay ka shakiyaan.

Säpo ayaa lagu yaqaanaa in ay dhageystaan telefoonka cidkasta oo ay u arkaan in tuhun soo galo iyadoo ay ahayd December sanadkii hore markii Stockholm qaraxa ka dhacay waqtigaasoo ay Säpo dhageysteen dhamaan telefoonada dadka ku nool Stockholm mudo 24 saac ah.

Hadaba waxaa muhiim ah dadka Soomaalida ah ee ku nool qurbaha in ay ka digtoonaadaan khatarta uu leeyahay telefoonka iyo internetka. Waxaa muhiim ah in la ogaato xitaa haddii aadan wax isku ogeyn in ay muhiim tahay in aadan waxkasta ku dhex oran telefoonka. Sidoo kale waxaa la mid ah waxyaabaha aad emailka ku dirto iyo xitaa akhbaaraha aad Facebook ku qorto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here