Juholt oo lagu dhaganyahay

3

Hogaamiyaha xisbiyada weyn ee Social Demokraterna Håkan Juholt ayaa fadeexad balaaran ku soo baxday maalmihii ugu dambeeyay. Juholt ayaa lagu haystaa in uu qaatay lacag guri kabis ah oo dheeri ah. Baaritaan dambiile ayaa lagu bilaabay hada isagoo xubnaha xisbigiisa qaarkood ay ugu baaqeen in uu iscasilo. Juholt ayaa ku doodaya in uusan warba ka hayn waxyaabahaan oo ay been abuuryihiin.

Juholt ayaa diiday in uusan si kas ah u dalban wax lacag uusan xaq u lahayn balse haweenay ka tirsan maareynta baarlamaanka ayaa sheegtay in qaladaadka jira ay ogeysiisay Juholt xagaagii la soo dhafay.

Ka dib kulan uu la qaatay xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa ayay u muujiyeen taageero in ay garab taaganyihiin in uu sii ahaado gudoomiyaha xisbiga S. Dhinca kale codbixinadii tusaalaha ahaa ee la sameeyay isbuucyadii ugu dambeeyay ayaa soo bandhigay in tiro yar oo ka tirsan shacabka Sweden ay taageeri lahaayeen Juholt.

Juholt ayaa bilowgii sanadkaan gudoomiyanimada xisbiga Social Demokraterna kala wareegay haweenay lagu magacaabo Muna Sahlin ka dib markii looga itaal roonaaday doorashadii 2010.  Haddii ay ku cadaato in uu si qayaano ah u qaatay lacagtaas ayay u badantahay in uu iscasili doono.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here