Dhalasho ku meel gaar ah ma la aqbali karaa?

20

Doodaan waxaa dhaliyay duqa magaalada Malmö  Ilmar Reepalu ka dib marki uu ku taliyay in la siiyo dadka soo galootiga ah dhalasho ku meel gaar ah si loola socdo xaalkooda oo midkii dambiile noqda wadanka laga musaafuriyo. Reepalu ayaa arintaan keenay ka dib markii qeybo ka mid ah magaalada Malmö ay ku soo noqnoqdeen rabshado joogto ah oo ay geysanayaan qaar ka mid ah dhalinyarada soo galootiga ee dhalashada Sweden qaatay.

Sharciga wadanka ayaa dhigaya in aan la musaafurin karin qof dhalashada wadanka haysta. Arintaan uu ka dhawaajiyay Mayarka Malmö ayaa dood dheer ka dhalisay guud ahaan qeybaha siyaasada ee wadanka iyadoo raysal wasaare Fredrik Reinfeldt uu si cad u diiday fikirkaan. Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga SocialDemokraterna oo uu ka tirsanyahay Mayarka Malmö ayaa isna ka soo horjeestay arintaan. Xubnaha xisbiyada qaarkood ayaa ku tilmaamay cunsuriyad iska cad.

Mar la waydiiyay Reepalu in arintaan ay soo galootiga ka dhigeyso dabaqada labaad ee bulshada ayuu ku jawaabay in soo galootigu ay horeyba u ahaayeen dabaqad labaad.

Hadaba suaashu waxay tahay, haddii aan nahay soo galootiga Sweden ma noo qalantaa dhalasho ku meel gaar ah oo aan ku qaadaneyno baasaboorka weyn ee Sweden? Waa dood furan…

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here