“Waxay doonayeen in ay dilaan ninkii nabiga aflagaadeeyay – Lars Vilks”

12

Wargeyska Metro ayaa soo qoray in ay heleen warbixin lagu kalsoonaan karo oo muujineysa in raggii lagu xiray magaalada Göteborg 10kii September ee la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ay doonayeen in ay dilaan ninka caadeystay aflagaadada nabiga (scw) ee lagu magacaabo Lars Vilks.

Raggaan oo markii hore afar ahaa ayaa mid la siidaayay, halka sadexda kalena ay diideen dhamaan dambiyada loo haysto. Goob masxaf ah oo la filaayay in uu yimaado Vilks ayaa la sheegay in ay doonayeen in raggaan ay weerar ku qaadaan. Ragga xabsiga ku jira ayaa lagu kala magacaabaa Salar Sami Mahamood, 23, Abdi Aziz Mahamud, 26, iyo Abdi Weli Mohamud oo 25 .

Vilks ayaa barri ka qeyb gali doona  bandhig buugaag oo ka furmi doona magaalada Göteborg.  Booliska ayaa sheegay in ay amaankiisa si weyn u sugi doonaan. Dowlada Sweden ayaa waxaa kaga baxa qarash badan sugitaanka amaanka Lars Vilks oo laga ilaalinayo in la dilo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here