Suuq Soomaaliyeed oo laga furay magaalada Norrköping [Video]

29

Jimcadii ayaa magaalada Norrköping waxaa laga furay suuq ganacsi oo ay yeelan doonaan haween Soomaaliyeed. Goobtaan oo loogu magacdaray Kameltorget ayaa noqoneysa meel laga helayo adeegyo kala duwan iyadoo hada laga furay dukaan cunto iyo dharka lagu iibiyo iyo xawaalado.

“Waxaan qaadeynaa talaabo talaabo, ka dibna waan soo buuxineynaa” ayay tiri Fatima Mohamud oo ah gudoomiyaha Kameltorget oo ah urur dhaqaale.

Hawshaan ayaa ku bilaabatay mashruuc ay sameeyeen maamulka gobolka (länsstyrelse) kaasoo loola jeeday in lagu hormariyo haweenka soo galootiga ah kuwaasoo doonaya in ay ganacsi abuuraan. Qaasatan mashruucaan ayaa loogu talagalay haweenka Soomaalida.

Suuqaan ayaa waxaa ganacsi ku yeelan doona 11 qof kuwaasoo la sheegay in ay tusaale u noqon doonaan dumarka kale, adeegyada lagu soo siyaadin doono suuqa ayaa waxaa ka mid noqon doona goobaha cilaan saarka iyo timojarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here