Soomaali ka cabanaysa shaqada baraatiiga [Video]

15

Soomaalida ku nool magaalada Fagersta ayaa cabasho weyn ka muujiyay shaqooyinka loo yaqaan praktik ee kamuunka uu u diro dadka. Soomaalida ayaa ka cabanaya in loo diro shaqo aan dhamaad lahayn isla markaana aysan waxba ka faaidin haddii ay ahaan lahayd waayo aragnimo shaqo ama luuqadeed.

Soomaalida ayaa sidoo kale ka caraysan ka dib markii masuul looga dhigay dhowr qof oo carab. Shir ay isugu yimaadeen Soomaalida magaalada ayay wacad ku mareen in arintaan ay ka doodayaan oo ay dacwadooda u gudbinayaan maamulka magaalada. Hadaba wareysi aan la yeeshay labo ka mid ah xubnihii shirkadaas ka soo qeyb galay ayaa iiga waramay cabashadooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here