Somaliska.com – Dib u habeyn, horumarin iyo hor u kac

9

Subax wanaagsan, galab wanaagsan ama habeen wanaagsan xiligii aad akhrisato Somaliska.com – Sida aad ku soo baraarugteen bogga waxaa lagu sameeyay isbedel muhiim ah oo xaga naqshada ah balse waxaan kaloo ku sameyn doonaa isbedel xaga qoraalada ah.

Siyaasada Somaliska.com waa in uusan galin qalalaasaha Somaliya oo aan xooga saarno Sweden iyo Iskaandaneeviya balse taas macnaheeda ma ahan in aysan jirin waxyaabo kale oo xiiso leh, sidaa darteed ka bilaabta maanta waxaan xooga saari doonaa sidii loo camiri lahaa bogga. Naqshada cusub waxaa looga gol’leeyahay in boos loo helo mowduucyada kala duwan ee ay ugu horeyso nolosha Sweden balse sidoo kale Arimaha Bulshada, Teknoolojiyada iwm.

Haddii aan waxyar idinkaga taabto horumarka uu sameeyay bogga, maalintii aan bilaabey ee April 22, 2010 waxaa soo booqatay 3 qof :). Bishaan waxaa soo booqatay 75,000 oo kala jooga 90 wadan balse 80% dadkaas waxay ku nool yihiin 290 magaalo ka badan oo ku yaala Sweden. Kiruna ilaa Malmö.

Hadaba waxaan idin leeyahay ku xirnaada oo garabkiina ha yaalo Somaliska.com – Waad ka faaidi doontaan, waana kala faaideysan doonaa.

Xasuusin: Wali ma dhamaan dib u habeynta bogga, marka wixii cilad ah ha layska dulqaato waan xalin doonaa Insha Allah.

Wsc.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here