Shir Soomaalida ku saabsan oo ka dhacay magaalada Fagersta

4

Khamiistii oo taariikhdu ahayd 29-09-2011 ayaa waxaa magaalada Fagersta ee gobolka
Västmanland ka dhacay shir balaaran oo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa fursadaha shaqo ee Soomaalida ku nool magaaladaas isla markaana loo hormarin lahaa isdhexgalka Bulshada.

Shirkaan oo uu soo abaabulay gudoomiyaha degmada ayaa lagu lafo guray xaalada Soomaalida Sweden iyadoo ay halkaas qudbado ka soo jeediyeen ragg Soomaaliyeed iyo Ragg swedish ah oo quburo ku ah arimaha Soomaalida. Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Per Brinkemo oo ah nin Swedish ah balse aad u fahansan dhaqanka Soomaalida isla markaana ka shaqeeya ururka Somaliland Förening ee ka dhisan Malmö. Per ayaa si fiican u faahfaahiyay sida ay u dhisantahay bulshada Soomaalida iyo dhaqankooda.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay Professor Benny Carlson oo jaamacada Lund wax ka dhiga isagoo si fiican u qaadaa dhigay xaalada Soomaalida ee ku nool Maraykanka iyo Ingiriiska iyo kuwa ka guuray Sweden iyo sababaha kalifay guuritaankooda.

Aniga ayaa sidoo kale goobta ka hadlay oo u soo bandhigay Swedishkii meesha yimid
xaalada Soomaalida Sweden iyo qaasatan kuwa Fagersta iyo cabashooyinka ay qabaan. Waxaan sidoo kale wax uga taabtay boggan Somaliska.com iyo hawsha aan qabano.

Shirkaas ayaa ku dhamaaday isfahan iyo in uu balan qaaday gudoomiyaha degmada in uu Soomaalida meel fiican gaarsiin doono oo uu Fagersta ka dhigi doono goob ay Soomaalidu shaqo ka helaan isla markaana bulshada si fiican u dhexgalaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here