Säpo: Qatarta ugu weyn waa argagixisada Islaamka

9

Laanta Amaanka ee Sweden (Säpo) ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ku sheegay in qatarta ugu weyn ee Sweden ay leedahay ay wali tahay waxa ay ugu yeereen “Argagixisada Islaamka”. Shirkaan oo looga hadlaayay heerka argagixisada caalamka ilaa sanadkii 2001 markii la weeraray maraykanka ayaa Säpo waxay sheegeen in ururka AlQacida la wiiqay balse ay waliyihiin qatarta ugu weyn.

Agaasimada Säpo Anders Danielsson ayaa sheegay in aysan wali sharaxaad ka bixin karin weerarkii ka dhacay Stockholm sanadkii hore balse waxa uu sheegay in ay aaminsanyihiin in ninka isqarxiyay uu raacay hadalka AlQacida ee ah in reergalbeedka lagu weeraro dhulkooda.

Inkastoo bilihii u dambeeyay ay soo siyaaday qatarta argagixiso ee laga filayo dhinaca cunsuriyiinta midigta fog oo ka dambeeyay weerarkii Norway lagu qaatay bishii Juli ayaa hadana Säpo sheegeen in ay aaminsanyihiin in qatarta ugu weyn ay tahay Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here