Reer Uddevalla oo markale ku celiyay mudaharaadkii

21

Sidii aan isbuucii hore soo qornay Soomaalida ku nool magaalada Uddevalla ee galbeedka Sweden ayaa dhigay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan shuruuda adag ee Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida.

Axadii la soo dhaafay ayay markale ku celiyeen mudaharaadkale kaasoo xoogaa ka balaaran midkii sabtidii hore. Mudaharaadka ayaa waxaa soo abaabulay hooyooyinka magaalada Uddevalla iyo jaaliyada gobolka.

Reer Uddevalla ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan mudaharaadka ilaa Soomaalida laga qaadayo shuruuda iyagoo ugu baaqay Soomaalida ku nool Sweden in ay ku soo biiraan ololaha.

Abshir Macow

Uddevalla

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here