Ragga oo hawsha guriga qabta iyo dumarka oo iska baashaala!

30

Ok ciwaanka sax ma ahan balse haddii aan u dhaadhaco muhiimada warbixin ay soo bandhigtay Hay’ada afti ururinta ee Sweden (SCB) ayaa lagu sheegay in rag badan oo Swedish ah ay shaqada guriga qabtaan marka loo barbar dhigo 10 sano ka hor, halka tirada  dumarka shaqada guriga qabtana ay hoos u dhacday.

Si kastaba ha ahaatee dumarka ayaa la sheegay in guud ahaan ay wali ka hawl badanyihiin raga marka laga hadlayo guriga qaasatan xaga cunto karin, dhaqida iyo nadaafada guriga. Halka ragu ay dusha saarteen dayactirka guriga. Dumarka ayaa hawshooda ugu weyn ee ragu ay ku liitaan ay tahay dhaqida dharka iyo feereynta.

Hawsha dumarku ay ka qabtaan guriga ayaa hoos u dhacday ilaa 1990 iyadoo sanadkaas ay dumarku qaban jireen 62% hawsha guriga, maantana waxay qabtaan 56%.

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in waqtigii dadku banaanka aadi jireen ee asxaabtooda ay la bixi jireen uu hoos aad ugu dhacay oo maanta dadka inta badan ay waqtigaas ku dhameeyaan daawashada TVga iyo isticmaalka internetka.

Mar laga hadlay dumarka Soomaalida ayaa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay hada ku wareejiyeen hawshii guriga ragooda oo markii hore iskala weynaa hawshaas – intaas aniga ayaa ku darsaday!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here