Rag Göteborg lagu xiray oo la sheegay in ay shabaab xiriir la leeyihiin

19

Afar qof oo shalay lagu xiray magaalada Göteborg ka dib markii la sheegay in ay maleegayeen weerar argagixiso oo lagu qaado xarun masxaf ah ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab. Dadkaan ayaa la sheegay in ay doonayeen in weerar isugu jira rasaaseyn iyo qaraxyo ku qaadan xarunta  Röda Stens Konsthall.

Wargeyska Göteborgs Posten ayaa qoray in dadkaan ay yihiin dhamaantood rag dadooda u dhaxayso 23  ilaa 26. Wargeyska ayaa intaas ku daray in booliska ay ka soo xigteen in raggaan ay xiriir la leeyihiin xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in sababta ay raggaan u doonayeen weerarka masxafka ay ahayd in uu halkaas imaan lahaa ninka lagu magacaabo Lars Vilks oo horey u aflagaadeeyay nabiga (scw) balse ka baaqday kulankaas.

Hay’ada amniga ee Säpo ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan ragga la soo xiray iyo eedeymaha la xiriira Al-shabaab.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here