Mid ka mid ah xildhibaanada cunsuriyiinta SD oo isaga baxay xisbiga

4

Mid ka ah mid ah xildhibaanada ugu jira baarlamaanka xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna (SD) ayaa go’aansaday in uu xisbiga isaga baxo oo uu noqdo xildhibaan madax banaan. Xubnaha kale ee xisbiga ayaa arintaas ka biyo diiday oo dalbaday in uu soo wareejiyo kursigiisa.

Xildhibaankaan oo ah wiil 22 sano jir ah oo lagu magacaabo William Petzäll ayaa dhowr bilood ka hor lagu canaantay ka dib markii uu qalalaase ka sameeyay guriga saaxiibtiis. Ka dibna waxa uu go’aansaday in uu xisbiga SD isaga baxo oo uu noqdo mid madaxbanaan taasoo xubnaha SD ee baarlamaanka ka dhigeysa 19 xubnood.

Xubnaha kale ee SD ayaa sheegay in wiilkaan uu dalbaday lacag fara badan in la siiyo haddii ay doonayaan in uu kursiga soo celiyo.

Wiilkaan ayaa sheegay in uu doonayo in kursigiisa uu u isticmaalo in uu wax ka qabto arimaha dhalinyarada iyo alkolada. Arintaan ayaa ah dhabarjab ku yimid xisbiga SD oo ka dib weeraradii ka dhacay Norway dhulka galay. SD ayaa u badan dhalinyaro aan waayo aragnimo ku lahayn siyaasada .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here